Home Afsomali Xildhibaannada labada Aqal oo dood adag ka yeeshay miisaaniyadda 2023

Xildhibaannada labada Aqal oo dood adag ka yeeshay miisaaniyadda 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 3-aad ee wadajirka ah oo uu weheliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulanka oo ay xaadir ahaayeen Maanta 178 mudane oo katirsan labada Aqal ayaa Ajandahiisu  ahaa akhrinta 2-aad ee miisaaniyadda 2023-ka, iyada oo uu horyimid Xildhibaannada Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cilmi Maxamuud Nuur.

Kulanka waxaa goob joog ahaa ku-xigeennada labada aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre iyadoo si qoto-dheer looga dooday kororka Miisaaniyadda 2023-ka. Waxaa xildhibaanadu ay su’aalooyin  weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur, isagoona faahfaahin ka bixiyay dhammaan weeydiimihii loo soo jeediyey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa ugu dambeyn soo xiray kulanka isagoo sheegay in dib loogu celin doono Guddiga Miisaaniyadda labada Aqal iyo Wasaaradda Maaliyada si loo tixgeliyo soo jeedinta xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.