Home Afsomali Guddoomiyaha G/Hiiraan oo ka jawaabay hadalkii Maareeyaha diyaaradii burburtay

Guddoomiyaha G/Hiiraan oo ka jawaabay hadalkii Maareeyaha diyaaradii burburtay

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu jawaab ka bixiyay hadal dhawaan kasoo yeeray Maareeyaha Guud ee diyaaradii dhawaan ku burburtay Garoonka Magaalada Beledweyne,kaas oo ahaa in burburka diyaaradda uu sabab u ahaa dameer soo galay dhabaha ay diyaaradda ku degi laheyd.

Guddoomiye jeyte oo maanta korm eeray qeybo kamid ah Garoonka ayaa beeniyay warkaasi kasoo yeeray Maareeyaha,waxaana uu sheegay in Garoonka uu ku wareegsan yahay Silig looga hortagayo xoolaha garoonka soo gali lahaa ayna macquul aheyn in Dameer uu soo galo taasine aay tahay been abuur.

Waxaa hadalikiisa uu intaasi ku daray in baaritaan dheer kaddib ay cadaatay in bur burka diyaarada uu sababay cilad ka dhacday Beeyloodka diyaaradda waday iyo carro badan oo taalla garoonka qeybta diyaaradaha ku ordaan.

Geba-gabadii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan waxaa uu sheegay in garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne ay kasoo dagi karaan diyaaradaha yar yar ee xamuulka inta ciladda garoonka ka jirta wax laga qabanaayo.

14-kii Bishaan ayaa Diyaarad laga leeyahay dalka Jabuuti oo sahay u siday Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Beledweyne waxaa ay ku burburtay Garoonka diyaaradaha Magaaladaasi,waxaana ka badbaaday Saddex Shaqaale ahaa oo saarnaa diyaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.