Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo Siyaasadda ee maamulka gobolka Hiiraan, ayaa xilkii laga qaaday, kaddib wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabelle.
Wareegtadan ayaa lagu sheegay xilkii laga xayuubiyay Cali Diiriye Isaaq oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Meeris Isaaq.
Ilaa iyo hadda lama sheegin sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday Guddoomiye Ku xigeenkii siyaasadda iyo amniga ee Gobolka Hiiraan.
Haddab hoose ka akhriso Wareegtada: