Home Afsomali Gudiga Doorashooyinka Qaranka oo naadinaya Kursi ka banaan Golaha Shacabka OO ...

Gudiga Doorashooyinka Qaranka oo naadinaya Kursi ka banaan Golaha Shacabka OO Noqoneysa Xildhibaan Cusub

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in la qaban doono Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo laga soo doortay Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa sheegtay in 15-ka bishaan magaalada Dhuusamareeb ay ka dhici doonta Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Allaha U Naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin, islamarkaana ay ogeysiinayaan Musharaxiinta, Ergada iyo Odayaasha ka masuulka ah kursigaasi iney u diyaar garoobaan sidii doorashadaasi ay uga qeyb qaadan lahaayeen.

“15-ka Bishaan ayaan qaban doonaa Doorashada” inta ka horeysana waxaan fulin doonaa shuruucda Doorashada” waxaan ka codsaneynaa Galmudug iney noo diyaar garoobaan, waxyaabaha aan uga baahanahay ee ay kamid tahay goobta Doorashada iyo Nabad galyada

Doorashadana ay noo diyaariyaan” ayey tiri Guddoomiye Xaliimo Ismaaciil Ibraahim.
Gudoomiyaha ayaa sheegtay in wax waliba oo ku saabsan Doorashadaasi ay iyaga masuul ka yihiin, islamarkaana dhinacyada ay la xiriirto doorashada looga baahan yahay oo kaliya iney usoo diyaar garoobaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.