Home Afsomali Puntland oo Arrimaha Abaaraha kala hadashay Finland iyo Norway

Puntland oo Arrimaha Abaaraha kala hadashay Finland iyo Norway

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe kulan kula qaatay Wefdi ka socday Safaaradaha dowladaha Finland iyo Norway.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen xaalada guud ee Abaaraha deegaanada Puntland, xoojinta taageerada dhinaca waxbarashada ee ay Puntland siiyaan dowladdaha Finland iyo Norway, Maamul baahinta iyo Dimuqraadiyada.

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa mas’uuliyiinta dowladaha Finland iyo Norway uga mahad celiyay taageerada ay la garab taagan yihiin  isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Pubtland ayaa kamid ah meelaha ay xiligaan kajirto abaarta daran, waxaana weli jirin gurmad Puntland uga yimid Beesha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.