Home Afsomali Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada iyo Gudoomiyaha maxkamada darajada 1aad oo shahaado sharaf gudoonsiiyey...

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada iyo Gudoomiyaha maxkamada darajada 1aad oo shahaado sharaf gudoonsiiyey Madaxweyne Xasan Sheikh

maxkamadaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya  Xasan Sh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed Gen Liibaan Cali Yaroow.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa ugu horrey warbixin ka dhageystay Madaxda Maxkamadda Ciidamada, iyagoo ka warbixiyay howlaha adag ee ay makamadda ciidamadu u heyso qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa Labada Masu’uul ku ammaanay shaqada adag ee ay sida daacadnimada ah u guteen Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Gen Liibaan Cali Yaroow mudadii Afarta Sano ee la soo dhaafay oo ay maxkamaddu qabatay shaqooyin waaweyn, kuwaas oo aan wax qaladaad ama cabashooyin ah ka imaan.

“Saraakiil dhallinyaro ah oo si daacadnimo ay ku jirto ugu qidmeeyay shacabkooda ayaa tihiin waana tan aad ku muteysateen ammaanta iyo bogaadinta ka imaaneysay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaana idinku guubaabinayaa in aydaan cidna uga hibeysanina shaqada garsoorka ee aad qaranka wakiilka uga tihiin, taas ayaana alle idinkula xisaabtamayaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.

liibaan-yarow

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Gen Liibaan Cali Yaroow ayaa Madaxweynaha ugu mahadceliyay sida wanaagsan ee uu ula shaqeeyay Maxkamadda, isagoo hoosta ka xariiqay in xukunadii kala duwanaa ee ay Maxkamadda Ciidamada ridday ama fulisay aanu wax faragalin ah uga imaan xafiiska Madaxweynaha.

maxkamadaha

Ugu dambeyn Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Gen Liibaan Cali Yaroow waxa ay Shahaado Sharaf Guddoonsiiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud.

 

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.