Home Afsomali Dhageyso Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka N.N.S oo soo saartay digniino xaga...

Dhageyso Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka N.N.S oo soo saartay digniino xaga amniga Muqdisho.

GaafoowHay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka N.N.S oo soo saartay digniino la xaga amniga Muqdisho.

Tan iyo markii ay dowladu xirtay qaar ka mid ah wadooyinka halbolwaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka dadweynaha ee Magaalada Muqdisho ayaa  xirnaashiyaha wadooyinkaasi lagu tilmaamay in lagu sugayo Amniga madaxda ka qeybgallaysa  shirka wadamada IGAD ugu furmaya magaalada Muqdiho

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska taliaya nabadsugida janareel cabdulaahi gaafow Maxamuud uuna ku saxiixan yahay ayaa lagu faray dhamaan ciidamada qalabka sida in aysan wax hub ah la dhaxmari Karin Magaalada sidoo kalana waxaa lagu wargaliyey ghaadiidka hubeysan ee ay leeyihiin heya,ada kale in aysan wax dhaqdhaqaaq ciidan ah sameyn Karin

Amarkan kasoo baxay Gen. Gaafow ayaa lagu sheegay laga bilaabo 11-ka bishan ilaa 16-ka bishan in magaalada Muqdisho gudaheeda aan lagu arkin karin ciidamada amniga magaalada loo xil saaray cid aan aheyn.

Waxaana sidoo kale amarkaani sameynayaa hey.adaha sida gaar ak ah loo leeyahay oo lagu amray in aysan sameyn wax dhaqdhaqaaq ciidan ah

Warqad qoraal ah oo ka so baxday xafiiska taliyaha ciidamada nabadsugida kuna saxiixan yahay janaraal cabdulaahi gaafow  Ayaa waxaa saxaafada u aqriyey Afhayeenka wadsarada amniga Cabdi kaamil Macalin Shugri

Xaalku wuxuu u eg yahay mid ka dhigaya magaalada bandow aan waqti laheyn

nisa

1 COMMENT

Leave a Reply to Jarco Yuusuf Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.