Home Afsomali Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (HSNQ/NISA) & Ciidanka Police Soomaaliyeed (SPF) Tr.27-04-2021

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (HSNQ/NISA) & Ciidanka Police Soomaaliyeed (SPF) Tr.27-04-2021

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (HSNQ/NISA) & Ciidanka Police Soomaaliyeed (SPF)
Tr.27-04-2021
Ku: Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo =Muqdisho
Ku: RW Maxamed Xusseen Rooble =Muqdisho
Ku: Guddoomiyayaasha Barlamaanka Federalka =Muqdisho
Ku:Maamul Goboleedyada =Fadhiyadooda
Og: Wasiirka Amniga Gudaha =Muqdisho
Og: Taliyayaasha ciidanka =Muqdisho
Ujeedo : Caddayn Mowqifka Saraakiisha ciidana (NISA iyo SPF)
Salaan Kadib, Mudanayaal ,
Waxaan halkaan kusoo gudbinaynaa mowqifka saraakiisha ciidamada NISA iyo
POLICE ka kadib kulamo kala duwan oo aan la yeelanay qaybaha kala duwan ee
ciidamada, iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee caasimadda iyo maamul
goboleedyada.
Markaan aragnay Marxaladda adag ee dalku galay wixii ka danbeeyay 12 April ,
waxaan soo bandhigaynaa bayaanka koowaad ee guddiga saraakiisha isku dhafka
ah ee NISA iyo SPF , waana sidaan :
1. Waxaan kasoo horjeednaa in dalka loo horseedo dagaalo sokeeye iyo
qalalaase horleh.
2. In aan la sameeyn Karin muddo kordhin aysan wadar ogol uga heshiinin
saamilayda siyaasadd

3. Ciidanka inuusan ka qayb qaadan karin colaadaha siyaasadda .
4. In gacanata laga qabto cid walba oo ku xad gudubta sharciga iyo kala
danbaynta dalka .
5. In lasii wado dagaalka dalka looga difaacyo argagixisada .
6. In aanan ogolayn in dalal shisheeyo ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba ay
kusoo faragaliyaan arimaha dugaha dalkeena.
Hadaba guddigan wuxuu ugu baaqayaa dhammaan siyaasiyiinta (mucaarad iyo
maxaafid) inay dhowraan xasiloonida, kana fogaadaan wax walba oo amniga
khatar galin kara. Si gaar ah Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday waxaan
usoo jeedinaynaa inuu u tanaasulo danta dalka uuna hormuud u noqdo sidii
loosoo afjari lahaa khilaafka siyaasadeed kuna soo laabto miiska wadahadalka .
Allah ayaa mahadleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.