Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa saakay fagaare kuyaala deegaanka lagu magacaabo Buq-aqable ee gobolka Hiiraan xukun dil ah kula fuliyay labo nin oo ku eedeesnaa in ay geesteen falal isugu jira kufsi iyo dil.
Maxkamad ay leeyihiin Al Shabaab oo kutaala deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan ayaa xukun isugu jira dhagax ku dilid iyo toogasho ku riday labo nin oo lagu eedeeyay in magaalada Baladweyne ka geesteen fal kufsi iyo dil isugu jira.
Axmad Ibraahim Raagoow oo 29 sano jir ah, ayaa lagu eedeeyay in uu kufsi u geestay haweeney kadibna uu dilay walaalkeed oo isku dayay in uu ka celiyo, waxaana ninkan Al Shabaab ku fuliyeen xukun dil ah oo loo adeegsaday dhagxaan maadaama la sheegay in uu horey guur usoo maray.
Al Shabaab ayaa sidoo kale isla fagaarahan kuyaala Buq-aqable ku toogatay Yuusuf Cali Bajiin oo 22 sano jir ah, ninkan ayaa isna lagu eedeeyay in uu falka kufsiga wax ka geestay balse dilka uusan ku jirin, waxa kale Al Shabaab sheegeen in ninkan kamid ahaa askrta dowlada sidaana loo toogtay.
Fagaaraha dilka uu ka dhacayay waxaa ku sugnaa masuuliyiin katirsan Xarakada Al Shabaab iyo qaar badan oo kamid ah dadka ku dhaqan Deegaanka Buq-Aqable oo loogu baaqay in ay kasoo qeyb galaan daawashada xukunada la fulinayay
Sargaal katirsan Al Shabaab ayaa sheegay in dacwada ragan dilka iyo kufsiga geestay loo soo gudbiyay, waxa ayna tilmaameen in howlgal ay ciidankooda ka fuliyeen duleedka Baladweyne kusoo qabteen labadan nin.
Al Shabaab ayaa horey deegaanada ay kataliyaan uga fuliyay xukuno ay ku jiraan dil, waxaana inta badan dadka ay Al Shabaab toogtaan u badan yihiin dad lagu eedeeyay in ay yihiin askar iyo jawasaiis la shaqeysa dowlada Somalia iyo Dowlado shisheeye.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0