Home Afsomali Hormuud foundation iyo Salaam Bank oo deeq gargaar ah gaarsiiyay Haween danyar...

Hormuud foundation iyo Salaam Bank oo deeq gargaar ah gaarsiiyay Haween danyar ah oo kunool gobolka banaadir

140 haween danyar ah ayaa kafaa’ideesatay deeq lacageed oo hay’ada gargaarka ee hormuud foundation iyo salaam ay gaarsiiyeen iyadoo munaasabada lagu qeebinayay deeqdan oo kadhacday xarunta dhalin yarada gabolka banaadir ay soo qabanqaabisay gudoomiyaha haweenka gobolka banaadir jawaahir baar qab

Ugu horeen jawaahir baarqab gudoomiyaha haweenka gobolka banaadir isku duwihii gargaarka ayaa hormuud foundation iyo salaam uga mahad celisay deeqda lacageed ee lasoo gaarsiiyay haweenka danta yar , waxaana ay sheegtay in haweenkan ay yihiin kuwo shaqooyinkoodii saameen uu kuyeeshay covid 19

Gudoomiyaha haweenka gobolka banaadir ayaa tilmaamtay in haweenkan danta yar ay isugu jiraan kuwa haysta caruur agoon ah, kuwo baahiyaha gaarka ah qaba oo lagasoo kala xulay 17-ka degmo ee gobolka banaadir iyadoo ku tilmaamta shirkada hormuud in ay tahay halbowlaha ama udub dhaxaadka haweenka soomaaliyeed
Madaxa hay’adaha hormuud foundation iyo salaam cabdullahi nuur cusmaan oo isna goobta kahadlay ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb katahay barnaamij lagu kaalmeenayo dadka danta yar oo in dhowaanahamba ay wadeen, isagoo hoosta ka xariiqay in iyada oo laga duulayo shaqa la’aanta kadhalatay covid 19 deeqdaan aysoo gaarsiiyeen haweenkan danta ayar

Haweenka danta yar ee maanta loo qeeybiyay deeqda lacagta ah ayaa kamahad celiyay kaalmada maanta ay soo gaarsiiyeen hormuud foundation iyo salaam bank iyagoo tilmaamay in xiligii ay ubaahnaayeen lasoo gaarsiiyay, iyaga oo hadalo ubadan duco ujeediyay muxsiniintii soo gaarsiisay gargaarka

Dhinaca kale Cabdullaahi nuur cismaan ayaa sheegay in shirkada hormuud ay gacan kageysaneeso dhismaha qeybta labaad ee loogu tala galay in lagula tacaalo dadka qaba xanuunka covid 19 iyada oo sidoo kale ambalaasyo ay kuxoojiyeen isbitaalka martini oo ah halka lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunka covid 19

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in maalin kasta hormuud foundation iyo salaam ay kaqeyb qaataan afurinta dad badan isaga oo sheegay in lacag gaaraysa 10.00 oo doolarka mareekanka lagu afuriyo dad aad ufara badan oo dan yar ah.

Barnaamijka lagutaakulaynayo dadka danta yar ayaa hormuud foundation iyo salaam waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay kawadeen gudaha dalka Somalia gaar ahaan magaalada muqdisho iyadoo ay kafaa’iideesteen dad aad ufara badan iyadoo madaxda hay’ada ay balan qaadeen in ay sii laba jibaari doonaan wax uqabashada dadka danta ayar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.