Home Afsomali Howlgal Guri Guri ah oo ka billaawday Muqdisho kadib weerarkii Xarunta Gobolka

Howlgal Guri Guri ah oo ka billaawday Muqdisho kadib weerarkii Xarunta Gobolka

Howlgalkan oo aha mid loogu magac daray qof iyo guri ayna sameeynayeeen laamaha ammaanka Muqidisho ayaa waxaa xalay laga samayeeyay qaar ka mida degmooyinka gobalka Banaaadir.

Howlgalkaan oo ay sameynayeen ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA iyo booliiska ayaa waxaa laga sameeyay degmada Xamar weyne ee ka mida degmooyinka bartamaha magalada, waxaana ujeedkiisa lagu sheegay xaqeejinta amniga degmooyinka bartamaha ee kala ah Xamarweyne, Warta-Nabada, Boondheere, Cabdicasiis iyo Shangaani waxa uuna wejigiisa koowaad ka billaawday degmada Xamarweyne.

Howlgalka oo ay horboodayeen Shanta guddoomiye degmo ee bartamaha gobalka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qa qabtay dhalinyaro fara badan kuwaasi oo ay masuuliyiintu goob fagaara ah kula hadleeen, sidoo kalena waxa ay ciidamadu gacanta ku dhigeen maandooriyaal sida qamri iyo xashiish iyo dadkii ka ganacsanaayay.

Ugu horeyn waxaa markii uu howlgalku soo dhamaaday ka dib warbaahinta la hadlay gudoomiyaha degmada Xamarweyne waxa uuna sheegay in howlgalkaani uu ahaa mid amni xageejin ah uuna wejigiisa kowaad uu bilaawday uuna sii socon doono, sidoo kalena waxa uu sheegay in uu yahay mid looga jawaabayo hoobiyaashii ku soo dhacay degamooyinka Warta-Nabada iyo Xamarweyne ee dadka shacabka ah ay ku dhaawacmeen.

Dhankooda waxaa warbaahinta la dhadlay guddoomiyaasha degmooyinka Warta-Nabada, Shangaani iyo Cabdicasiis iyagoona sheegay inay muhiim tahay wada shaqeyn dhaxmarta hay’adaha amniga iyo shacabka si loo sugo amniga caasimada si looga hortago dadka geysanaya falalka amniga lidiga ku ah.

Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xilli maalamahaan amniga Muqdisho uu ahaa mid sii xumaanayay ayna shalay tira hoobiyaal ah oo garaya ilaa 7 ay ku soo kala dhaceen degmooyinka Xamarweyne iyo Warta-Nabada Kuna dhaawacmeen ilaa 7 qof, sidoo kalena maalintii Axada weerar ku bilawday qaraxyo lagu qaaday xarunta maamulka gobalka Banaadir.

Previous articleTurkiga Oo Joojiyay Wahadalladii Sweden Iyo Finland Ee Xubinimada NATO
Next articleCiidanka dowladda & kuwa Jubbaland oo degaano horleh la wareegay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.