Home Afsomali Ciidanka dowladda & kuwa Jubbaland oo degaano horleh la wareegay

Ciidanka dowladda & kuwa Jubbaland oo degaano horleh la wareegay

Ciidanka Jubaland oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalmahan waxa ay howlgallo ka wadeen deegaannada galbeedka Kismaayo iyagoo la wareegay deegaanno ay horey uga talin jireen maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgalka oo ka billaawday degaanka Janaay Cabdalle ayaa Ciidamadu kula wsreegewn degaannada, Kooya, Yaaqdabeyl iyo Qudus, halkaas oo muddo badan ay gacanta ku hayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee howlgallada hoggaaminaya ayaa sheegay inay weli sii socdaan howlgallada, isla markaana qorshahoida uu yahay in dhammaan degaannada iyo degmooyinka Jubbaland laga saaro Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ayaa horay ugu dhawaaqay in siwadajir ah degaannada Jubbaland looga bilaabi doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.