Home Afsomali Ilhan Cumar oo goordhaweyd si weyn loogu soo dhaweeyay Puntland...

Ilhan Cumar oo goordhaweyd si weyn loogu soo dhaweeyay Puntland State

Xildhibaan Ilhan Cumar oo ah gabar asalkeedu Soomaali yahay, balse katirsan oo ka tirsan Koonagreeska Mareykanka ayaa maanta soo gaartay magaalada Garawe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Masuuliyiin katirsan maamulka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Garawe ayaa si weyn garoonka diyaaradah Garawe ugu soo dhaweeyay xildhibaan Ilhan Cumar.

Xildhibaanada ayaa loo galbiyay aqalka madaxtooyada Puntland , waxaana la filayaa in halkaasi kulamo kula qaadato madaxweyunaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni iyo masuuliyiin kale.

Ilhan Cumar ayaa asal ahaan kasoo jeeda deegaannada maamulka Puntland, waxa ayna gabadhan qaxootinimada ku tagtay dalka Mareykanka ka mid noqotay xildhibaanada dalkaasi kuwa ugu saameynta badan.

https://youtu.be/CzmVLNi1a5Q

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.