Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horaysay hawada sare u dirtay Dayax Gacmeed, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Waxbarashadda iyo Cilmi baarista Nabiil Maxamed Axmed. Wasiirka oo ka hadlay tijaabadan ayaa waxa uu yiri ” wax aan aad ugu faraxsanahay Tijaabadda Dayax gacameedka loo yaqaan Jabuuti-1A.” Tijaabadan ayaa waxa iska kaashaday Machad ku yaal dalka Faransiiska iyo Arday Reer Jabuuti ah.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hore u ballan-qaaday in dowladda Jabuuti oo ka faa’iidaysanaysa dhaqaalaheeda iyo khuburadeeda ay tijaabin doonto dayax gacmeedkii ugu horreeyey.
Dayax-gacmeedkan oo lagu magacaabo “Djibouti-1A” ayaa soo uruurinaya xogaha iyo macluumaadka cimilada iyo isbeddelada dunida, waxa kale uu gacan ka gaysanaya cilmi-baarista.
Horraantii sanadkaan goobjoog ka noqday heshiis muhiim ah oo dowladdiisa la gashay koox qaabilsan teknooloojiyadda hawada sare oo ka socota Hong Kong.
Mashruucaas dayax-gacmeedka Jabuuti ayaa waxaa xilligaas la shaaciyay inay ku bixi doonto Hal bilyan oo dollar, isagoo qaadan doona muddo shan sano ah, sida ay ku warameyso wakaalada wararka ee Jabuuti.
Si kastaba, Dowladda Jabuuti ayaa noqon doonta dowladdii ugu horreysay ee Afrikan ah oo sameysata dayax-gacmeed, waxaana lagu wadaa in ay jiri doonaan dowlado kale oo ku daysan doona dowladda uu hogaamiyo Geelle.
Jabuuti ayaa sanadihii dambe ku tallaabsaneysay horumaro kala duwan oo uu ku hagayay madaxweyne Geelle, inkasta oo xukunkiisa lagu eedeeyo in uu ku kaco falal ka dhan ah xoriyatul qowlka.