Home Afsomali jaakad la shaqaysa Mobile-ka oo ay soo wada saareen Google & Shirkadda...

jaakad la shaqaysa Mobile-ka oo ay soo wada saareen Google & Shirkadda Dharka Levi’s

Shirkadda Google & shirkadda kale dharka soo saarta ee Levi’s ayaa soo wadasaaray jaakad la shaqaynaysa teleefoonka gacanta.
Sida ay u wada shaqaynayaan jaakadda iyo teleefonka ayaa aad u sahlan, waxay ku wada shaqayn doonaan Bluetooth,  tusaale ahaan haddaad jaakadda halka saacadda lagu xirtoama cumaacumta  aad dhinac laba farood ugu salaaxdo waxay kuu sheegaysaa waqtiga, haddaad dhinaca kale ugu salaaxdo halkaad joogto ayay kuu tilmaamaysaa.
Haddii sidoo kale aad laba farood ku garaacdo waxay kuu shidaysaa wixii maqal ah ee teleefankaaga ku jira. Qiimaha jaakadda ayaa lagu sheegay 350 doolar.
Ivan Poupyrev oo ah madaxa mashruuca farsamooyinka ee Google ayaa isagoo hadlaya wuxuu yiri, “Waxaan doonaynaa inaan macaamiisheena usoo bandhigno  wax anfaca meel kasta oo ay joogaan iyo howl walba oo ay ku jiraan, hadday lugaynayaan ama baaskiil ku socdaan ama gacmohoodu ay wax kale mashquul ku yihiin”.
Maxamed Jaamac Faarax

https://youtu.be/Z7mcG4NESDM

https://youtu.be/m5Lma7tiNc8

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.