Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqanMagaalada luxenburg ayaa waxa ay ka cabanayaan dad aan soomaali ahayn oo magaca dadka soomaaliyeed ku dhibaateeya dadka wadaankaas u dhashay.
Qaar ka amid ah Dadka Ku Nool Wadankaasi luxenburg oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ay dhibaato ku qabaan dad ka soo kala jeeda wadamada Tanzania,Jabuuti yemen Iyo Waqooyiga afrika kuwaas oo ku qaraabta in ay soomaali yihiin isla markaana dhibaato u geesta dadka dalkaasi u dhashay .
Dadkaan ayaa Sharciyo Dal Ku jooga ah ku Qaatay in ay yihiin soomaali Badanaa waxa ay ka shaqeeyaan Musu Maasuq Tuuganimo Gadiska daroogada xashiiska iyo wixii la halmaama taasoo sumcad xumo ku ah dadka soomalaiyeed ee ku dhaqan wadanka luxenburg oo ka tirsan qaarada Yurub
waxa ayna jaaliyada soomaaliyeed ee luxenburg ka codsadeen Dowlaada Soomaaliya Gaar ahaan wasaarada arimaha dibada soomaaliya in ay wax ka qabato dhibaatada iyo Sharaf Dilka Magaca Soomaaliyeed ee Dadkan ay ku sameeynayaan si loo difaaco sumcada Soomaalinimada waxaa ayna soo jeediyeen in la iska kaashadao sidii Sharafka Umada loo Difaaci Lahaa waxayna wasaarada arimaha dibada ka codsadeen in ay soo faro galiso arintooda.
wasaarada arimaha dibada ee dalka ayaa waxaa looga fadhiyaa wax ka qabashada cabashada jaaliyadan soomaaliyeed ee soo noq noqday arimahaan ayaa waxa ay inta badan ka dhacaan wadamada qaarada yurub.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0