Home Afsomali Janaale Maxaa ka dhacay

Janaale Maxaa ka dhacay

Wararka ka imaanaya Degmada Janaale oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya in ciidamo Mareykan & kuwa Somali weerar qorsheysan ay ka fuliyeen Degmadaasi.

Weerarkaan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa wararka waxa ay sheegayaan Ciidamadan oo watay diyaarado dagaal inay ku dageen banaanka Magaalada, kadibna iyaga oo lugeynaya ay isku dayeen inay gudaha Janaale galaan.

Dadka deegaanka ayaa  xaqiijiyay inay maqlayeen iska hor imaad ka dhacay duleedka Magaalada, halkaasi oo ay ku dagaalameen Ciidamada Shabaab & Ciidankii hawlgalka qorsheysan u tagay Degmada Janaale.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ka dhacay duleedka Degmada Janaale, balse intii dagaalka uu socday waxaa jiray Duqeymo bar bar socday dagaalka.

Diyaarado dagaal ayaa la sheegay Magaalada gudaheeda inay dhawr gantaal ku dhufteen, laakiin lama soo warin Khasaare ka dhashay.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay fashiliyeen isku dayga weerarkaasi qorsheysnaa ee Ciidamada Mareykanka & kuwa Somalida ay ku qaadeen Degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ciidamada Mareykanka & kuwa Somalida, balse arrintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo muddooyinkii dambe Ciidamada Mareykanka ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.