Home Afsomali KA FIIRSO INTA AADAN BILAABIN Faalo

KA FIIRSO INTA AADAN BILAABIN Faalo

Dunidan aynu ku noolnahay waxaa la hubaa inuusan ka dhamaanaynin dagaal iyo fowdo inta aadanuhu ku dul nool yahay.

Aadanaha ayaa qofba si u fikiraa sidii uu uga badbaadi lahaa dhibka dagaalka iyo fowdada.

Qaarbaa qoray iyo xabad kala hortaga oo ku xaliya dagaal.

Qaarbaa caqli adeegsada oo xaaladda dhinac kale u roga.

Qaarbaa nabadda lacag ku iibsada oo wax walba ka hormariya nabadda.

Haddaba annagoo aan hadalka ku sii dheeraanayn aan tusaale u soo qaadano dowladaha hoos ku xusan midba sida ay uga hortagto waxa ay u aragto in ay dhibaato ku keeni karo una horseedi doonto colaad iyo dhibaato/

Somalia.    Run ahaantii dadka soomaaliyeed oo ah dad isku diin iyo dhaqan ah aadna moodo in hal geed laga soo wada jaray waxaan shaki ku jirin in dhamaantood isku fikir yihiin oo aysan jirin qof keena fikir ka duwan midka ah in dagaal lagu xaliyo.  Waana tan keentay in dalkeenu uu degi waayo/

Ethiopia.   Dawladda itoobiya oo iyadu ay ku nool yihiin qowmiyado aad u kala duwan dhan walba. marki laga eego dhanka hoggaanka ay qowmiyad aad u yar majaraha u hayaan waxa ay in muddo ah hoggaanka dalkaasi  u adeegsan jiray qaab millatari/

Haatan oo ay qowmiyadda oramada eek ala bar dadka dalkaasi ka kooban tahay bilaabeen kacdoon dadweyne iyo in ay ka hor yimaadaan hoggaanka tirade yar ee dalkaasi waxa durbadiiba maamulka dalkaasi odoros dheer u soo baxday in aan xabad lagu xalin Karin kacdoonkan balse loo keeno maskax kale.

Waxaa guddiga falanqeya siyaasadda iyo amniga dalkaasi goaamiyeen si loo xakameeyo kacdoonkaasi in qowmiyadaasi lagu furo mowjado kale waxaana la goaamiyey  sida tan.

  1. Waxaa la isku dayayaa in laga dhex abuuro fowdo iyo dagaal dadka soomaalida ah ee loo arko cidda kaliya ee dagaal kala hortagi karto qowmiyadda oromada. Maadaama qabaailka kale aysan u babac dhigi Karin kuna dhiiran Karin in ay la dagaalaan oromada.

Waa socodaa ……

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.