Home Afsomali Kaamirooyinka CCTV ayaa lagu xiray Wadooyinka Caasimadda Soomaaliya si Amniga loo adkeeyo

Kaamirooyinka CCTV ayaa lagu xiray Wadooyinka Caasimadda Soomaaliya si Amniga loo adkeeyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in laamaha amaanka ay kuxireen kaamirooyinka CCTV wadooyinka waa weyn ee magaalada si ay ula dagaallamaan dambiyada iyo falalka argagixisada.

 

Xogta ayaa sheegeysa in kaamirooyinka CCTV-ga lagu rakibay wadooyinka hareeraha meelaha wasaaradaha dowladda ay ku yaalliin oo ay ku jiraan wadada Makka Al Mukarrama, isgoyska Banaadir iyo agagaarka xarunta hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka (NISA).

 

Amniga ayaa dhowaanahan soo hagaagey Muqdisho iyadoo aysan jirin shilal nabadgelyo-xumo oo ka dhacay toddobaadyadii u dambeeyay.

 

Magaalada Muqdisho waxaa sanadihii la soo dhaafay ka dhacayay qaraxyo dilal qorsheysan oo lala beegsanayo dhismayaasha dowladda iyo hoteelada waaweyn, waxaana inta badan sheegta kooxda ku xiran Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.