Home Afsomali kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Galmudug oo caawa furmaya

kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Galmudug oo caawa furmaya

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo gaaray Dhuusamareeb & u jeedka oo la shaaciyay

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Guddoomiyaha oo ay qeyb ka yihiin Xubno ka tirsan Aqalka sare ayaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Dhuusamareeb.

Ujeedka wafdiga Guddoomiyaha Aqalka Sare ay  u tageen Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu Caawa furi doono kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Galmudug.

Inta uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.