Home Afsomali Kiiskii ugu horreeyey ee si xeeladeysan loogu dhacay Banki caan ka ah...

Kiiskii ugu horreeyey ee si xeeladeysan loogu dhacay Banki caan ka ah Muqdisho oo si lama filaan ah loosoo xirayo.

Kiiskii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ku saabsan Denbiyada Maaliyadda ayaa dhageysiga Dacwadiisa dhowaan ka furmay Maxkamadda Gobolka Banadir ee magaalada Muqdisho.

Kiiskan waxaa markii ugu horeysay soo shaaciyay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka bartamihii bishii hore ee September 2022, , wuxuuna qoraal uu soo saaray ku caddeeyay inuu yahay Kiis fal dembiyeed dhinaca Maaliyadda ah, kaasoo ka dhacay Bankiga Premier oo ka mida Bankiyada Gaarka loo leeyahay ee xaruntiisa weyn ay ku taallo caasimadda Muqdisho.

Qoraalka Xeer ilaalinta Qarank ayaa u qornaa:

WAR-SAXAAFADEED: Xafiiska xeer llaaliyaha Guud ee Qaranka Qaybtiisa Denbiyada Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo kuwa Danabaysan (Finacial, Economic, Electronic and Cyber Crimes Unit) oo gudanaya waajibaadkilsa shaqo, waxa uu baaritaan ku hayey kiis Maaliyadeed oo ka dhacay Premier Bank oo Xaruntiisa ku taal Muqdisho, kiiskaas oo ay eedeysanayaal ay ka yihiin: Afar qof oo ka mid ah shaqaalaha Bangiga. Baaritaan dheer ka dib, Xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu u gudbiyey Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaanshida Eedda si waafaqsan (Qodobka) 71 ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka Xeer ilaalinta Qaranka ayaa welwel badan ku abuuray macaamiisha Bankiga, iyadoo aan faahfaahin badan laga bixin kiiskan culus, lana shaacin magacyada shaqaalaha Premier Bank ee ku lug yeeshay, xilalkii ay hayeen, haddii ay lacag lunsadeen cadadkeeda iyo inay baxsadeen ama la hayo.
Qoraal kale wuxuu Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka ku sheega in faahfaahin SIXID: Ahayd, wuxuuna isagoo shegay in Dacwadda Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka u gudbiyey Maxkamadda Gobolka Banaadir uu dhibane ka yahay Bankiga Premier.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Dhageysiga Dacwadda Kiiskan xiisaha leh la joojiyay, markii hal fadhi uu dhacay oo Maxkamadda ay faahfaahin dheeraad ah ka dalbatay xeer ilaalinta, haddana la filayo in Kiiska oo dhan lasoo xiro, markii Bankiga Premeir uu ka noqday Dacwadii uu kusoo oogay afar ka mida Shaqaalihiisa.

Risaala TV oo aragtay Dokumentiyada Kiiskan quseeya ayaa ogaatay in Kiiska uu kusoo ururay mid ka mida 4-ta Shaqaale ee Kiiska loo xiray, isla markaana weli ku jira Xabsiga Dhexe. Ninkan oo qirtay inuu is daba mariyey lacagta la is daba mariyey ee Premier Bank uu si xeeladeysan ugala baxay.

Hantida ku maqan eedeysanaha koowaad ee kiiska ayaa gaareysa 200-kun Dollar, waxaana xogta la helay ay sheegeysaa in dhowaan la sii deyn doono isaga iyo saddexda kale ee shaqaalaha ka mida, markii madaxda Bankiga Premier ay xeerjajab iyo waan ka galeen kiiskan, kala bar lacagta ka maqanna uu bixiyey ninka koowaad ee kiiskan qirtay iyo Ehelkiisa.

Arrimaha la yaabka leh waxaa ka mida: in lacagaha uu sida xeeladeysan ula baxayey mid ka mida shaqaalaha Bankiga Premier ay socdeen muddo laba sano ku dhow iyo in nidaamka Bankiga uu ogaan waayey mudadaasi dheer.

Bankiyada Gudaha ee ka howlgala Soomaaliya waxaa intooda badan ay shaqeynayeen sanado kooban, waxayna bixiyaan adeegyo maaliyadeed oo inta badan aan la koontaroolin, taasoo ay ugu wacan tahay awoodda kooban ee la socodka dowladda Federaalka iyo Bankiga Dhexe oo leh sharciyeynta iyo Shati siinta Bankiyadda.
Kiiska ka dhacay Premier Bank wuxuu iftiiminayaa sida Bankiyada Gudaha dalka ee sii badanaya ay ugu nugul yihiin fal denbiyeedyada abaabulan ee ka dhici kara gudaha hay’addaasi, iyo sida loogu baahan yahay in isbedel lagu sameeyo nidaamka shaqada Bankiyad Gudaha oo dhacdooyinkan oo kale ay dhibaato kasoo gaari karto kumanaan shacab ah oo hantidooda u aaminay.

Risaala TV waxay dhowaan soo bandhigi doontaa; Xubnaha Kiiskan lagu soo eedeeyay, sida xeeladeysan ee Bankiga Premier loo dhacay iyo sida uu ku dhammaado, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda la sii daayo eedeysanayaasha, lana soo xiro kiiskan aan caadiga ahayn.

Warbaahinta Risaala ayaa la xiriirtay Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Xeer ilaalinta balse aysan jawaabin.

Halkan Ka Daawo Warbixinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.