Koox hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in ay dilal qorsheysan ay ka geysteen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.
Waxaana la sheegay in dilalkaasi loo geystay laba Wiil oo Walaalo ahaa oo ku sugnaa agagaarka Kaamka Badbaado ee degmadaasi.
Mid ka mid ah Wiilashaasi ayaa ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada milatariga Somalia, halka kan kale oo uu ka mid ahaa dadka deegaanka, sida ay xaqiijyiyeen Goobjoogayaal.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee degmada Dharkenley ayaa gaaray meesha uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.
Balse ma jirto illaa iyo hadda wax war oo uu maamulka degmadaasi ka soo saaray dilalkaasi.
Maalmihii dambe ayaa waxaa gudaha M/ Muqdisho ka dhacayay falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood loo geystay Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda federaalka ah ee Somalia.