Home Afsomali Koox Hubeysan oo Nin dhalin yaro ah dil ugu geystay degmada Afgooye...

Koox Hubeysan oo Nin dhalin yaro ah dil ugu geystay degmada Afgooye ee gobolka shabeelada Hoose

Warark ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka shabeeladaa Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen qof shacab ah.

Dilka ayaa kaa dhacay Xaafada Dhagax Tuur ee degmada Afgooye waxaana Marxuumka la dilay oo dhalin yaro ahaa lagu magacaabi jiray  C/qaadir Cabdi Cismaan oo looyaqaanay  (Jawari )kooxo bastolad wata ay toogteen sida ay warbaahinta Risaala u xaqiijiyeen  Ilo wareedyo ku sugan degmada Afgooye.

Ma jirto Illaa hadda cid loo soo qabtay Falkan dilka ah oo xalay ka dhacay degmadaAfgooye ee gobolka shabeelada Hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.