Home Afsomali Kooxo aan la aqoonsan oo nabadoon Muqdisho ku toogtay

Kooxo aan la aqoonsan oo nabadoon Muqdisho ku toogtay

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay xaafada Baar Ubax ee magaalada Muqdisho ku dilay Nabadoon Warsame Ismaaciil oo kamid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaan Muqdisho iyo Galgaduud.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan oo dhoor nin ahaa ayaa nabadoonka ku dilay meel aan ka fogeyn gurigiisa oo ay u joogsadeen xilli nabadoonka la sheegay in uu u socday goobtiisa shaqada.

Nabadoonka saakay la dilay ayaa la sheegay in uu kamid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo dhawwaan loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad Sugida ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay howlgal, lamana oga in ciidamada ay dad usoo qabteen dilka nabadoonka loo geestay.

Magaalada Muqdisho ayaa marar badan lagu dilay odayaal iyo ergooyin wax kasoo doortay xildhibaanada golaha shacabka, Al Shabaab ayaana horey u sheegtay in ay dili doonaan cid kasta oo kamid noqota ergooyinka dooranaya xildhibaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.