Ku Dhowaad $200 Milyan ayaa Laga LunsadayMuwaadiniin Lagu Khiyaamay Maalgashiga Shirkado sheegta in ay ka ganacsadaan Sarrifka Lacagaha Qalaad (Forex trading) sida uu lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Dowladda somalia SONNA.
Muuqaalka dadweyne bannaan baxaya oo ka cabanaya in la lunsaday lacagahooda ayaa Muqdisho caadi ka noqotay Afartii todobaad ee ugu dambeeyay, waxaa xigayay in bogagga ay baraha bulshada ku leeyihiin shirkado sheegta in ay ka ganacsadaan Sarrifka lacagaha lagu shaaciyo ina y khasaareen.
“Wareegii koowaad iyo wareegii labaad lacagtii aan qabanay ayaa guud ahaanba naga qasaartay waxaana ku qasbanaanay inaa mar kale lacag qabano si aan suuqa ugu sii jirno mar kale ayaa dib u furnay isdiiwaan galintii bisha Fibaraayo bilowgeedii iyadoo ay faa’ido naga sugayaan macaamiishii aan qabanay bilihii Diseember iyo Janaayo, lacagtii isdiiwaan galintaan kasoo xarootay waxaan u kala qeybinay qeyb aan faa’ido ahaan u bixino iyo qeyb aan suuqa galino” mid kamid ah shirkadaha oo lagu magacaabo (Qaran) ayaa boggooda Facebook sidan ku soo qoray.
In ka badan 10 Shirkadood oo ku howlanaa in ay lacago ka uruuriyaan bulsahda Soomaaliyeed, iyaga oo ugu sheegayay inay maalgashanayaan shirkado ka shaqeeya sarrifka lacagaha qalaad (Forex), ayaa shaaciyay in ay musallafeen, waxayna shirkadahaasi lunsadeen lacag lagu qiyaasay $200 Milyan.
Madaxda Shirkadaha ayaa intooda badan dalka ka baxsaday, iyaga oo farriimo ay soo dhigeen baraha bulshada ku shaaciyay in ay khasaareen. Nidaamka ay ku shaqeynayeen wuxuu ku dhisnaa in “Faa’idada maalgashadayaasha ugu horreeya la siiyo ka imanayso lacagaha laga qaado maalgashadayaasha dambe, marka la waayo macaamiil cusubna uu qof walba ogaado in la khiyaamay”.