Home Afsomali Ku simaha Madaxweynaha oo sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis xili mar hore...

Ku simaha Madaxweynaha oo sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis xili mar hore uu soo saaray in aan la sameyn karin intaa katiini hadalkiisii

Xasan Sheikh M

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saaray wareegto cusub soo saarey  ku magacaabay taliyaha ciidanka N.N.S ta Gobolka Banaadir isaga oo xilkiina ka qaaday masuulkii horey u haayey xilkaa .

Madaxweynihii xilkiisu dhamaaday ee DFS Xasan Sheekh ayaa magacaabay xil cusub xili uusan awood Dastuuri u lahayn inuu magacaabid ama xil ka qaadid uu sameeyo.

Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir Col. C/xakiin Farey oo muddo sanad iyo bar xilkan hayay ayaa Xasan Sheekh xilka laga qaaday, waxaana uu u magacaabay Taliyaha cusub ee Nabadsugida Gobolka Banaadir u magacaabay Maxamed Xasan Faarax oo loo yaqaano (Faran-Far), kaasoo horay u ahaa Kuxigeenka Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir.

halkaan hoose ka aqriso degreetadii hore 

Wareegtadan aya khuseysa sidii loo ilaalin lahaa hannaanka iyo geedi socodka doorashooyinka, iyadoo la isku diyaarinayo doorashada xildhibaanada labada aqal iyo doorashada Madaxweynaha.

Sida ku xusan Dastuurka KMG ee dalka, Madaxweynuhu waa ilaaliyaha midnimada iyo shuruucda waddanka, sidaa darteed iyadoo taasi la eegayo, isla markaana uu Madaxweynuhu tixgelinayo go’aankii Madasha Hoggaanka Qaranka ee 9-kii bishii August, 2016 ayaa waxaa uu soo saaray awaamiirta soo socota:

1)—Laga billaabo maalinta ay taariikhda ku beegan tahay 5-ta September, 2016, iyadoo hawl maalmeedka dowladda ee ah u adeegidda shacabka sidii caadiga ahayd loo wadayo, ayaa haddana waxaa la joojiyay:

a)—Magacaabista ama shaqo ka joojinta jagooyinka sare ee dowladda iyo dallacsiinta saraakiisha Ciidammada Qalabka Sida.

b)— Lama bedeli karo qaab dhismeedka hadda jira ee hay’adaha dowladda oo dhan.

c)— Lama bixin karo kharashaadka aan ku jirin habraaca miisaaniyadda 2016, marka laga reebo kharashka boqolkiiba afartan ah (40%) oo dowladda kaga soo aadday kabista dhaqaalaha doorashooyinka iyo kharshyada kale ee lagama maarmaan loogu arko habsami u socodka hawlaha dowladda.

d)— Lama geli karo heshiisyo iyo qandaraasyo cusub oo aan ka ahayn kuwii horay u socday. Sidoo kale lama geli karo ballanqaadyo kharash la xiriira.

2)—Awaamiirtan ma khuseyn doonto hawlaha ay fulintooda socdeen intii ka horeysay 05/09/2016 (Shanta September).

3)—Awaamiirtan waxay socon doontaa ilaa 5-ta November 2016.

4)—Waxaa dhammaan hay’adaha fulinta ee dowladda ee wareegtadan loo gudbiyay la farayaa inay awaamiirtan dhaqan-geliyaaan, iyagoo tixgelinaya marxaladda lagu jiro iyo hannaanka geedi socodka doorashooyinka.

Dhagayso Ergayga UN ka oo ka hadlay Xilka Xasan Sheekh.

———————-DHAMMAAD——————————

5 COMMENTS

Leave a Reply to Nasra Axmed Cali Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.