War deg deg ah xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow dheg dheer oo ku guuleystay aqalka sare ee baarlamaanka
Cod bixintii ugu adkeed in mudaana la sugaaywy ayaa dhex martay luul maxamed sheikh iyo cabdi dhuxuloo dhag dheer tirinta ayaa si weyn waxaa ugu horeeyo dhagdheer oo helay 52cod
Xildhibaan dhagdheer ayaa ku guuleystay in uu noqda una matalo beesha Murusade Aqalka sare ee sanadka isagoona helay codad dhan 52 cod halka ay heshay Luul Maxamed Sheikh cisman oo la tartameysay 36 cod halkaana waxay guusha raacday Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer
Dhagdheer ayaa ahaa xildhibaan muda 16 sano isagoona ah ruug cadaa siyaasadeed
Jen cabdiqeydiid oo ku guuleystay aqalka sare ee barlamaanka
Waxaa dhawaan la soo gabagabeeyey tirinta cododka cida noqoneysa aqalka sare beesha sacad waxaan xod ku helay jen cabdi xasan cawaale qeybdild
Jenka ayaa horay xilal kala duwan iga soo qabtay dowladii KMG KA isagoona markii danbe noqday madaxwrynaha galmudu
Sidoo kale Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo uu la tartamayay Maxamed Xusen Tahliil ayaa waxaa loo doortay in uu aqalka sare uu ka mid noqdo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid kadib markii uu helay codod gaaray inta badan dhamaan cododkii la bixiyay
Abshir bukhaari oo noqday xubintii ugu horreeysay ee loo doortay aqalka odayaasha
Abshir bukhaari oo noqday xubintii ugu horreeysay ee loo doortay aqalka odayaasha[warbixin kooban oo taariikhdiisa ah]xildhibaanada baarlamaanka galmudug oo maanta u fadhiyey kulankii ugu horreeyey ee lagu soo xulayey xubnaha ka mid noqonaya aqalka sare ayaa xubintii ugu horreeysay aqalka odayaasha u doortay abshir bukhaari oo helay 48 cod , halka xubnihii la tartamayey oo kala ahaa kamal gutale& axmed qoor-qoor ay kala heleen 16 iyo 23 cod.
Abshir bukhaari ayaa ka mid ahaa koox dhalinyaro mutacalimiin ah oo muqdisho ka hirgeliyey iskuulo lagu barto luqaha [private schools], waxaanna abshir 1993-kii ilaa 2000 uu xamar ka hirgeliyey dhowr iskuul oo lagu barto luqadaha iyo kombiyuutarada, iskuulaadka uu caanka ku yahay waxaa ka mid ah dugsiga luqadaha [bukhaari] oo uu ka soo noqday macallin luuqadaha carabiga iyo ingiriiska.
Abshir waa aqoonyahan mufakir ah oo soo qabtay shaqooyin kala duwan, waxaanna machadyadii waxbarasho ee uu aasaasay ka soo aflaxaty kumanaan kun oo manta ku nool daafaha dunidda.
Xilalka kale ee uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa wuxuu noqday agaasimhii madaxtooyadda xilligii sheekkh shariif.
Wuxuu ka mid ahaa madaxda tv- aljazeera ee xaafiiska muqdisho iyo nairobi.
Hada waa milkiilaha shirkadda goobjoog ee leh idaacadaha gooboog iyo gool fm
Sidaasi oo kale Yusuf Geele Ugaas ayaa isaguna noqday shaqsiga afaraad eek u guuleystay xubnaha Aqalka sare ee Soomaaliya u matali doona Galmudug.
Zamzam Daahir Maxamuud ayaa iyana ku guuleysatay kursiga 5-aad ee xubnaha Aqalka sare u matalaya Galmudug, kadib markii ay wada tartameen iyada iyo Faadumo Macalin Cumar oo musharaxiinta kamid aheyd.
Zamzam ayaa noqoneysa gabadhii ugu horeysay ee kamid noqota xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Maalinta barito ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Cadaado lagu qabto doorshad 3 kursi oo ka dhiman xubnaha Aqalka Sare ee Dalka.
Doorashadaasi ayaa waxaa ku loolami doona C/samada Macalin Maxamuud, Xildhibaan Jawahir Axmed Cilmi iyo C/waaxid Cilmi Goonjeex.