Home Afsomali Maamulka Jubbalamd oo shaaciyay in la dar dar gelin doono howlgalka ka...

Maamulka Jubbalamd oo shaaciyay in la dar dar gelin doono howlgalka ka dhanka ah AS

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee JuBbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ugu tagay Ciidamada Jubbaland iyo Ciidamada Xooga dalka ee ku sugan deegaanka Janaay Cabdalle ee Gobolka Jubada Hoose.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka oo ay kamid ahayeen Wasiirka Caafimadka  Maxamed Cabdi Oogle, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Injineer Ismaciil Axmed Garas iyo Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ayaa Ciidamada gaarsiiyay taakulo kala duwan oo ka kooban daawooyin iyo xoolo nool.

Sarakiisha Ciidamada ayaa Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka uga warbixiyay xaalada degaanka iyagoo sidoo kale la kulmay dadka degaanka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa uga mahad celiyay dadka degaanka Sida hufan ee ay usoo dhaweeyeen Ciidamada usoo gurmaday isla markaana ay diyaarka ugu yihiin xoraynta degaannada wali ka maqan gacanta Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.