Home Afsomali Machadka MIRPS ayaa soo qaban qaabiyey Barnaamij Dood Wadaag ah oo ku...

Machadka MIRPS ayaa soo qaban qaabiyey Barnaamij Dood Wadaag ah oo ku saabsan Siyaasadda Mareykanka ee Afrika

Machadka Cilmibaarista iyo Daraasadka Siyaasadda ee Muqdisho ayaa Waxa uu soo qaban qaabiyey Barnaamij Dood Wadaag ah oo ku saabsan Siyaasadda Mareykanka ee Afrika, oo uu marti ku ahaa Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Mr Larry Andre.

Dooda Waxaa ka soo qeyb galay marti kala duwan oo isugu jirta, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Haween, Bahda Waxbarashada, Ururada Saxaafada, ururada Bulshada rayidka ah, Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed, Midowga Jaamacadaha Soomaaliya, Midowga Bankiyada iyo aqoonyahanno magac ku leh dalkeenna.

Waxaa ugu horeyn dooda furay Guddoomiyaha Machadka Yasir Mohamed Abdirahman kuna soo dhaweeyey Safiir Larry.

Safiirka Mareykanka ayaa khudbad ka jeediyey shirka Waxa uuna sheegay in Dowlada Mareykanka ay Afrika gaar ahaan Soomaliyab ay door muuqda iyo waxqabad la taaban karo ka saameeyeen dhowr qeybood oo muhiim ah horumarinta kaabayaasha Bulshada iyo Dowladnimada.

Dooda oo socotay qiyaastii laba saacadood ayaa ka soo qeyb galayaasha waxa ay su’aalo toos ah ay weydiinayeen Safiirka oo taabaneysay dhinacyada Dhaqaalaha, Amniga iyi Siyaasadda Mareykanka ee la xeriirta Dowlad dhiska Soomaaliya iyo Horumarinta guud ee doorka Dowlada Mareykanka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.