Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay hobiyeyaal ku weerareen gaaroonka Diyaaradaha Magaaladaas.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in in ka badan 5 hoobiye kusoo dhaceen garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana inta la xaqiijiyay weeraradaasi hoobiyeyaasha ah ku dhaawacmay laba qof oo Shacab ah.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo Itoobiya ee ku sugan Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ay dhankooda tiro hoobiyeyaal ah ugu jawabeen Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee Garoonka hoobiyeyaasha kusoo weeraray.
Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM ayaa waxaa ay howlgallo ka wadaan duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee dhinaca xiga Garoonka diyaaradaha, iyaga oo baadi goobaya xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarkaasi geystay.
Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale waxaa Al-Shabaab ay weerar hoobiyeyaal ah ku qaadeen Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Ciidamada Dowladda ay weeraradaas uga jawaabeen howlgallo ay degaano kula wareegeen, walow weli weerarada ay socdaan.