Home Afsomali Madasha Badbaado qaran oo dalab adag u dirtay golaha Ammaanka ee Qaramada...

Madasha Badbaado qaran oo dalab adag u dirtay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Mdasha Badbaado Qaran+

Madasha badbaado qaran oo ay ku midoobeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa fariin u diray golahaAammaanka ee Qaramada Midoobay xilli lagu wado inay maanta ka shiraan arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Madasha Badbaada Qaran ayaa warqad ay u direen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay ku xuseen sida ay uga soo horjeedaan muddo kordhintii Golaha Shacabka Soomaaliya ay ku ansixiyeen qaraar labo sano ah iyo khilaafka ka taagan.

Waxay qoraalkooda ku dalbadeen in fariintooda laga hor aqriyo golaha hortooda si loo soo bandhigo inuu cadyahay mowqifkooda ku aadan go’anka ay golaha Shacabku mudada ugu kordhiyeen Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo  ay ku kororsadeen shaqadooda iyo tan madaxweynaha laba sano waa waxba kama jiraan, khatar ayuuna ku yahay xasilloonida, nabadda iyo midnimada Soomaaliya iyo tan dadka Soomaaliyeed” ayaa lag yiri qoraalka Madasha badbaada Qaran.

Wadahadaladii ugu dambeeyay ee ka socday teendhada Afisiyoone ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday markii dhinacyadu ay isku afgaran waayeen hannaanka wada xaajoodka, wax tanaasul ahna la heli waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.