Home Afsomali Madaxweynaha aan lahayn khibrad siyaasadeed ee dagaalka kula jira Putin

Madaxweynaha aan lahayn khibrad siyaasadeed ee dagaalka kula jira Putin

Caasimadda Ukraine ee Kyiv ayay ciidamada Ruushka ku garaaceen gantaalo , balse waxa ay weli ku jirtaa gacanta dowladda madaxweyne Volodymyr Zelensky.

Mr Zelensky ayaa sheegay in dadka reer Ukraine ay kula dagaalameen ciidamada Ruushka ee ku sugan Kyiv iyo sidoo kale Odesa oo ku taal koonfurta iyo magaalada Kharkiv ee waqooyi bari.

Jarmalka iyo Holland ayaa ku dhawaaqay in ay hub u dirayaan dalka Ukraine, halka Faransiiska uu sidoo kale ballan qaaday inuu Ukraine siin doono saanad militari.

Madaxweynaha aan horay u lahyn khibrad siyaasadeed ee dagaalka kula jira Putin

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ku soo caan baxay majaajilo telefishin ka bixi jirtay oo lagu magacaabi jiray servant of the people, isagoo metali jiray inuu yahay madaxweyne.

Waxa ay shacabkiisa aad ugu taxanyihiin ciwaanadiisa baraha bulshada halkaas oo ay si toos ah uga daawadaan khudbadihiisa. Madaxweyne Zelensky ayaa hadda waxa uu hogaamiye u yahay 44 milyan oo shacab ah, kuwaas oo wajahaya khatar uga imanaysa milateriga Ruushka.

Iyadoo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku eedeeyay Ukraine “xasuuqa” jamhuuriyada Donetsk iyo Luhansk ee ka go’ay, ayaa wuxuu ka hadlay baahida loo qabo in “laga saaro” dalka – Madaxweyne Zelensky, oo ka soo jeeda qoys Yuhuud ah oo ku hadla afka Ruushka.

Madxweyne Zelensky oo ku hadlayay luuqadda Ruushka, ayaa sheegay inuu isku dayay inuu waco Vladimir Putin si uu uga hortago dagaal, balse uu la kulmay aamusnaan.

Labada dal uma baahneen dagaal, “ma ahan dagaal qabow, uma baahna dagaal noocan ah, ma ahan dagaal isku-dhafan”, ayuu yiri, isagoo xiran labiska ciidanka oo hor taagan khariidadda Ukraine. Balse waxa uu intaa ku daray in haddii dadka reer Ukraine ay la kulmaan weeraro ay isdifaaci doonaan. “Markaad na soo weerarto waxaad arki doontaa wejiyadayada.

Madaxweyne Putin ayaa waxa uu doonayaa in uu beddelo awoodda madaxweyne Zelensky ee sida dimuqraadiga ah loo soo doortay uuna ku beddelo nidaam u gaar ah oo u hoggaansan.

Yulia McGuffie, oo ah tifaftiraha guud ee wakaaladda wararka ee Novoye Vremya, ayaa sheegtay in ay aad uga xumaatay markii loo doortay madaxweynaha Ukraine bishii April 2019-kii, maadaama aysan aaminsanayn in uu awood u leeyahay in uu dowlad hogaamiyo.

“Balse dadka reer Ukraine ayaa si weyn taageero ugu muujiyay madaxweynahooda isbuucii la soo dhaafay,” ayay tiri.

“Taageero buuxda iyo ixtiraam ayey shacabkiisa u muujiyeen, waxa uu muujiyay midnimo, waxaana dhihi lahaa wuxuu qaatay door dhiirigelin ah oo ah tusaale isaga u gaar ah. Waxa uu hogaaminayaa dawlad ka soo horjeeda Putin.”

Ku soo biiradda siyaayadda ee madaxweyne Zelensky waxay ahayd sida ruwaayadaha oo kale. Doorkiisii ​​ugu caansanaa ee majaajilada waxa uu ahaa barnaamij taxane ah oo lagu magacaabi jiray “u adeegga dadweynaha,” kaas oo uu ku jilay macalin dugsi.

Markii Zelensky uu xilka la wareegay 20-kii May 2019, waxa uu ballanqaaday inuu soo afjarayo colaadda Bariga Ukraine, taasoo galaafatay noolasha in ka badan 14,000 oo qof.

Markii hore waxa uu damcay inuu tanaasul sameeyo. Waxa uu wadaxaajood la furay Ruushka, iyagoo is weydaarsaday maxaabiis, isla markaana u jeestay fulinta qeybo kamid ah heshiiskii Minsk.

Madaxweynaha Ukraine wuxuu leeyahay awoodo la taaban karo, laakiin fulinta ballanqaadyadan waxay mar walba noqdaan kuwa adag, sida ay sheegtay lataliyaha dhanka isgaarsiinta, Yaryna Klyuchkovska.

Zelensky wuxuu helay taageerada oligarch Ihor Kolomoisky intii lagu jiray ololihiisii ​​​​madaxtinimo, taasoo keentay in dad badan ay ka baqaan inuu isu rogo hogaamiye kooxeed.

Waxa uu xaqiiqdii cadeeyay in uu ka madax banaan yahay sida ay dadka u malaynayeen, isaga oo diiday in uu ogolaado dib-u-noqoshada PrivatBank, oo uu lahaa Kolomoisky ka hor inta aanay dowladda la wareegin.

Zelensky ayaa sku dayay inuu tanaasul sameeyo. Waxa uuna wadaxaajood la furay Ruushka, hase yeeshee dareenkaas dib u heshiinta ah waxaa caqabad ku noqday go’aanka uu Madaxweyne Vladimir Putin baasaboorka Ruushka ku siiyay shacabka ku nool deegaannada Bariga Ukraine. Colaadda deegaannadaas ayaa xabbad joojin laga gaaray bishii July 2020, balse dagaallo goos-goos ah ayaa weli sii socday.

Madaxweyne Zelensky ayaa sanadihii dambe go’aansaday inuu xoogga saaro in Ukraine ay xubin ka noqoto Midowga Yurub iyo gaashaan buurta NATO. Tallaabooyinkaas ayaa ka caraysiiyay Madaxweyne Putin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.