Home Afsomali Madaxweynaha Hirshabelle oo sheegay in ciidamadiisu yihiin kuwa midaysan

Madaxweynaha Hirshabelle oo sheegay in ciidamadiisu yihiin kuwa midaysan

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in ku dhawaaqay in degmada Buulo Burde ay wixii hada ka dambeeya ay noqon doonto xarunta Taliska Ciidamada Hirshabeelle.

Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in ciidamada Hirshabeelle ay cayiman yihiin, isagoo xusay in hadii shalay ay labo qeyb ahaayeen ay maanta hal yihiin.

“Ciidamada Hirshabeelle, hadii shalay labo qeyb ka kala tirsanaayeen, Shabeellaha Dhexe ay hoos tageysay Xamar, Hiiraan ay hoos tageysay Dhuusa Mareeb, maanta waa mid hal xarun iyo hal Talis ayayna yeelanayaan oo ah Buulo Burde”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlayay isagoo ku sugan Beledweyn.

Waxaa uu sheegay in dhowaan la dhisi doono ciidamo Boolis ah oo gaar ah, isla markaana mushaarkooda uu bixin doono maamulkiisa.

Maamulka Hirshabeelle ayaa dhowaan sheegay inuu sameysan doono ilo dhaqaale oo u gaar ah, si uu u noqdo maamul iskiis u taagan oo ku tiirsan dhaqaalihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.