Home Afsomali Madaxweynaha Jubbaland oo goordhaweyd Muqdisho ka dhoofay

Madaxweynaha Jubbaland oo goordhaweyd Muqdisho ka dhoofay

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo caasimada u joogay ka qeyb galka shirka golaha Wadatashiga.

Madaxweynaha Jubbaland ayaana dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, waxaana Kismaayo ugu diyaarsan masuuliyiin iyo dadweyne badan oo soo dhaweenaya.

Shirka golaha Wadatashiga qaran oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyay maalintii Isniinta, waxaana shirkaasi kasoo baxay qodobo ay ugu muhiimsan yihiin dardagelinta doorashada iyo habraaceeda.

Madaxda kale ee dowlad goboleedyada oo iyana ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in ay dib ugu laabtaan deegaanadooda si ay u guda galaan bilaabista doorashada golaha shacabka oo hakad ku jirtay maalmihii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.