Home Afsomali Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka , iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay kamid yihiin xubno katirsan labada gole ee Dowlada ayaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dadweyne kala duwan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu Muqdisho uga qeyb geli doonaa Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo Maanta ka furmaya Xarunta Madaxtooyada.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Muqdisho ka furo shirka Golaha wadatashiga Qaran, kaas oo looga hadli doono howlgallada ka socda dalka, wadashaqeynta Dowladda Federaalka & Maamulada iyo arrimo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.