Home Afsomali Madaxweynaha Jubland oo nasiib darro ku Tilmaamay Colaada ka Taagan Gobolka Sool

Madaxweynaha Jubland oo nasiib darro ku Tilmaamay Colaada ka Taagan Gobolka Sool

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka  Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay dagaalka iyo duulaanka Soomaaliland ay ku hayso gobolka Sool.

Madaxweynaha ayaa xusay in xalka iyo wada hadalka fursad la siiyo oo aan cidna lagu qasbi Karin wax aanay dhinaca kale ogolaadeen loona baahan yahay in dadka gobolkaas ku nool ay iyagu aayahooda ka tashadaan.

Hadalkan ayuu Madaxweynaha Jubland ka jeediyay Munaasabad lagu qabtay Magaalada Kismaayo taas oo lagu dabaal dagayay 63guuradii ka soo wareegatay Markii Gobolada Koofureed ay ka xuroobeen Gumeystihii Talyaaniga iyo Midowgii koofur iyo waqooyi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.