Home Afsomali Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo soo hadal qaaday Somalia maxaa laga filan...

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo soo hadal qaaday Somalia maxaa laga filan karaa ?

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay gacansiinta waddamo dhowr ah oo Soomaaliya kamid tahay oo xaalado bani-aadanimo ay ka jiraan.

Waddamadaan ayaa kala: Itoobiya, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Kenya iyo Yemen.

Waxa uu sheegay in Dekedda Doraleh ee Jamhuuriyadda Jabuuti uu ku xirtay Markab wada gargaar bani-aadamnimo, gaar ahaan Qamadi dhan 25,000 Metric Tons si loogu caawiyo qoysaska ku dhibaateysan Itoobiya.

“Waxaa naga go’an in aan garab istaagno oo aan caawino dadka dhiban, sanadka soo socda 2023-ka waxa aan gaarsiineynaa gar-gaarka illaa 60 Markab si looga hortago baahida cunno la’aan ee dunida ka taagan,” ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Zelenskyy ayaa tilmaamay in kaalmadaas ay ku baxeyso $150 Milyan oo Doollar oo ah deeq si gaar ah loogu tala-galay waddamada Itoobiya, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Kenya iyo Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.