Home Afsomali Madaxweyne Deni oo u mahadceliyay Safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya

Madaxweyne Deni oo u mahadceliyay Safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta ee Soomaaliya, Maxamed Axmed Cuthmaan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka garab istaaga iyo gurmadka ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

Waxa ay sidoo kale Madaxweyne Deni iyo Safiirka Imaaraadka Carabta kawada hadleen sidii Imaaraadka gacan uga geesan lahaa horumarka Puntland iyo sidii mashaariic hor leh uga fulin lahaayeen.

Safiirka Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo uu la qaadanayo masuuliyiin katirsan dowlada iyo Madaxda dowlad goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here