Home Afsomali Madaxweyne Dr Maxamed Cabdi Waare oo shaqo joojin ku sameeyey Wasiir ka...

Madaxweyne Dr Maxamed Cabdi Waare oo shaqo joojin ku sameeyey Wasiir ka tirsan Maamulka Hirshabelle State

Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaqo joojin ku sameeyey wasiiru dowlihii wasaaradda dastuurka maamulkaasi, Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle, kadib warqad uu soo saaray.

Qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in wasiirka uu si buuxda u jabiyey amarkii Madaxweynaha ee ahaa in aan la’isugu imaan karin kulamo dadweyne, isagoona lagu eedeeyey inuu shalay ka qeyb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar.

Amarka la sheegay inuu jabiyey Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle ayaa la xariira mid looga hortagayo cudurka Coronavirus, kadib markii dadka u geeriyooday uu ka mid noqday wasiiru dowlihii wasaaradda cadaaladda maamulkaasi, marxuum Khaliif Muumin.

HirShabelle ayaa geerida mas’uulkaasi, kadib mas’uuliyiinteeda oo ugu horreeyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare waxa ay is-galiyeen xaalad go’doon ah ama karantiil, si loo xakameeyo cudurka faafa ee Coronavirus oo ah mid saf-mar ah.

Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda xaqiijisay kiisas gaaraya illaa 237 qof, waxaana tirada ugu badan ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.