Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo hada dhagax dhigay dakada Magaalada qadiimiga ah ee Hobyo...

Madaxweyne Farmaajo oo hada dhagax dhigay dakada Magaalada qadiimiga ah ee Hobyo wuxuuna sheegay in Magaaladda Cadaado ay tahay Xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug ( DAAWO SAWIRADA )

Maxamed c/laahi farmaajo madaxwynaha jamhuuriyadda fadaraalka soomaaliya ayaa goordhow ka dagay magaala xeebeedka hobyo ee gobalka mudug waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa masuuliyiin ka tirsan dawladda galmudug

Diyaarad siday madaxweynaha oo kasoo kicitintay magaalada cadaado ayaa hada caga dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada hobyo halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay

Madaxweynaha ayaa la hadli doona dadweynaha reer hobyo ee maanta soo dhaweeyay wuxuuna sidoo kale dhagax dhigi doonaan dakadda hobyo

dhanka kale  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay in Magaaladda Cadaado noqonayso xarunta barlamaanka Galmudug.

 Kadib shir Jaraaid ay qabteen ayay ku sheegeen in Magaaladda cadaado ay noqonayso Xarunta Baarlaamaanka Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Farmaajo iyo Xaaf waxa ay sheegeen in maamulku ku sii shaqeyn doono Cadaado inta laga diyaarinayo Caasimadda Dhuusamareeb.

Goobta looga dhawaaqay arintan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Nabadoonada iyo Waxgaradka Magaaladda Cadaado oo tabasho ka qabay heshiiska Ahlu sunno iyo Galmudug.

Sidoo kale arintaan waxaa fududeeyay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Senator Abshir Bukhaari, Xildhibaan Abtidoon yare iyo Wasiir Axmed Qoorqoor oo wakiil ka ahaa reer Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.