Home Afsomali Madaxweyne farmaajo waa qof ceynkee ah

Madaxweyne farmaajo waa qof ceynkee ah

Maxamed Cabdulaahi Faramaajo wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, sanadku markuu ahaa 1962. Wuxuu dugsi dhexe uga baxay Foorta-Sheekh ama 1-da Luuliyo. Dugsigiisi dhexe wuxuu ku dhameeyestay iskoolkii loo yaqaanay Maxamuud Xarbi, Kan sarena Wuxuu uga baxay Farsamada Gacanta ee Lafoole. Wuxuu shaqada ka bilaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dabaayaqadii sanadkii 1982, wuxuu ka howl galay jiray Arkiiviyo (central archive) oo aan mararka qaar ku booqan jiray iskana soo raaci jiray Anaga oo saaxibana ahayn islamarkaana daris ahaa waqti dheer. Xallay ayaan Facebook-iisa ugu diray fariin ah inuu yahay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya aniga oo ka qiyaas qaatay isbadalka soo socda, ka dibna aan qoraalkaan diyaariyay. Muddo yar ka dibna wuxuu ku wareegay Xafiiska maamulka lacagta , Halkaas oo uu ka ahaa Xisaabiye (auditor).

 

Horaantii sanadkii 1985, waxaa loo bedelay Safaarada Soomaaliya ee magaalada Washington,D.C, ee dalka Maraykanka. Halkaas oo uu mas’uul ka ahaa arrimaha maamulka lacagta ee safaarada. Sanadku markuu ahaa 1988, waxaa lagu wargeliyay inuu kusoo laabto xarunta wasaarada ee Xamar, wuxuuse go’aan ku gaaray inuu waxbarashadiisa dhamaysto, dalka maraykankana waydiisto magangalyo siyaasadeed, arrimo siyaasad darteed.

 

Tacliin sare ama heerka jaamacadda wuxuu ka dhamaystay jaamacadda ku taala magaaaladaa Buffalo ee gobolka New Yourk (State University of New Yourk at Buffalo). Isla jaamacaddaas ayuu ka qaatay shahaadada takhasusuka ah oo loo yaqaano Master’s Degree Takhasuskiisu wuxuu ahaa Cilmiga Siyaasada , Xiriirka Aduunka, Xuquuqda aadamiga , Cilmiga baadi Gobooka Nabada, Horumarinta dadwaynaha iyo shacabka , iyo Xirfadda Hogaamiyaha laga rabo (leadership).

 

Wuxuu kaloo jagooyin sare kasoo qabtay Dowladda hoose ee magaalada Buffalo ee gobolka New York iyo Degmada loo yaqaano Erie Country oo iyaduna ka tirsan gobolkaas. Sandadihii 2000-2002, waxaa guddoomiyaha Degmada Erie (Erie Country Executive) uu u magacaabay is ku xiraha xafiiska ganacsatada dadka laga tirda badanyahay (minority) ee ku nool degmada Erie (Erie County Minority Business Enterprises Coordinator) ee Gobolka New York. Halakaas wuxuu ka caawiyay ganacsato aad u fara badan, una fududeeyey sidii ay uga heli lahaayeen qandaraasyo iyo mashaariic degmadaas.

Bishii Oktoober 14, 2010, Mohamed Cabdulahi Farmaajo waxaa loo magacaabay Raisul Wasaaraha Soomaaliya isaga oo badelay Raisul Wasaarihii ka horeyay ee Cumar Cabdirashid oo bil ka hor iska casilay jagadaas ka dib xurguf soo kala dhex gashay isaga iyo Madaxweynihii xilligaas Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaan u rajeynayaa MADAXWEYNAH CUSUB GUUL IYO NABAD. HAMBALYO MUDANE MADAXWEYNE XILKA AAD UMMADDA U QAADAYNA ALLE HA KU FUDUDEEYO.

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.