Allaha u Naxariistee waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Cudurka Coronavirus ugu geeriyoodey Xildhibaan khaliif Muumin Tooxoow o ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle.
Xildhibaanka oo sidoo kale ahaa wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaalada ee Hir-Shabeelle ayaa kamid ahaa 9 ruux oo maalin ka hor Wasaaradda Caafimaadka ay xaqiijisay in laga helay cudurka Coronavirus.
Madaxweyne ku xigeenka dowlada hirshabelle Cali Guudlaawe Xusen ayaa ii xaqiijiyey geerida Xildhibaan khaliif Muumin Tooxoow oo ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle,iyaga oo ka tacsiyadeeyey.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa Jimcihii sheegay in Xildhibaanka maalma ka hor howlo karantiil ah lagu geliyey Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka oo sidoo kale kamid ahaa Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Jowhar waxaa uu ka qeyb galay Shirarka Golaha wasiirada Hir-Shabeelle iyo kuwo gaar gaar ah oo uu hormuud u ahaa .