Home Afsomali Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u duulay dalka...

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u duulay dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhooriyadda Federaalka Soomaalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow u ambabaxay Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar.

Mudane Maxamed C/llaali Farmaajo oo magaalada Dooxa uga bilabaneyso Booqasho rasmi ah oo qaadaneyso labo maalmood ayaa la kulmi doono Amiirka Dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

 Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa yiri” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar , waxaana uga bilaabaneysa booqasho rasmi ah oo laba maalin ah, isagoo la kulmi doono Amiirka Dalka Qatar. waxaana Socdaalkiisa ku wehliya Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo iyagana kulan la qaadan doona dhiggooda Qadar”
Xubnaha Golaha Wasiirada ee la socda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala ah Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ,Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Qorsheynta oo wafdiga Madaxweynaha uga sii horeeyay Dalka Qadar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.