Home Afsomali Madaxweyne sheegay inuu ka shaqeynayo Beertiisa marka uu dhameysto muddo xileedkiisa

Madaxweyne sheegay inuu ka shaqeynayo Beertiisa marka uu dhameysto muddo xileedkiisa

Madaxweynaha dalka Nigeria,  Muhammadu Buhari ayaa ku sheegay Qoraal uu Bartiisa Facebook soo dhigay inuu aado doono beertiisa marka uu dhamaado muddo xileedkiisa.

Madaxweyne Buhari oo u dabaaldegay 79 guuradii dhalashadiisa, waxa uu xusay inuu xilka ka degi doono marka uu ka dhamaado Xilli-Hawleedkiisa sanadka 2023-ka, isla markaana uu dib ugu laaban doono beertiisa, si uu Beeraley u noqdo.

Buhari waxaa uu Beer iyo Degaan ku leeyahay Degmadda uu ka soo jeedo ee Daura ee Gobalka Katsina State ee W/Galeed ee Nigeria.

“Waxaan dhowarayaa marka uu Xilliga Xafiiska iga dhamaado, waxaan aadi doonaa Hoygeyga, si aan uga shaqeeya Beertayda” ayuu yiri Buhari oo 2 jeer Madaxweyne soo noqday.

Waxa uu sii raaciyey in muddada uga harsan Xilka uu sida ugu Wanaagsan ugu adeegi doono Danaha Qaranka iyo Dadka Reer Nigeria iyo Ku-Dhaqanka Waajibaadkiisa Madaxweynenimo sida ku cad Dastuurka.

https://youtu.be/SvAot6cM_7A

https://youtu.be/eFN6groTM7Y

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.