Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo goordhaw gaaray Jowhar

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo goordhaw gaaray Jowhar

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madaxda Hirshabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada maamulka Hirshabelle, waxaana la filayaa in halkaasi uu ka dhaco kulan u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Hirshabelle.

Sida aan xogaha ku heleyno madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u tagay magaalada Jowhar xal u helida khilaafka ka taagan maamulka Hirshabelle iyo sidii looga hortagi lahaa in colaado dhax maraan beelaha dega Hirshabelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale la sheegay in Jowhar u tagay dar-dar gelinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo la filayo in dhawwaan si rasmi ah u bilowdo wajiga labaad ee howlgalka.

 

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.