Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheikh oo Muqdisho ka furey Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka‏...

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Muqdisho ka furey Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka‏ ( DAAWO SAWIRADA )

IB0A0960

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada si rasmi ah uga furay shirka Madasha Hoggaanka Qaran (Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada).

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkan uu muhimad gaar ah leeyahay, maadaama goor dhow si rasmi ah loo gudagalayo doorashada 2016.

“Shirkan waxaa uu noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran, ka hor intaan toos loo gudagelin doorashada taariikhiga ee Soomaaliya ka dhacaysa. Arrimo badan oo muhiim ah ayaa ina horyaalla inaan ka wadahadalno, sida amniga, maalgelinta doorashada iyo imkaaniyaadka kale ee fududeyn kara hawshan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka , Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Jubbaland, Galmudug, Puntland, wakiilada beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

IB0A0974
IB0A0949
IB0A1009

———————–DHAMMAAD————————-

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.