Home Afsomali Madax Maxweyne Farmaajo iyo Raiisal wasaare kheyre oo ka qayb-galay xaflad lagu...

Madax Maxweyne Farmaajo iyo Raiisal wasaare kheyre oo ka qayb-galay xaflad lagu soo xirayay Kalfadhig 4-aad ee Golaha Shacabka (DAAWO SAWIRADA )

IMG-20190115-WA0002

Muqdisho, Jannaayo 14, 2019:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay shaqooyinkii ay qabteen intii uu socday Kalfadhigii 4-aad, isaga oo ka dhawaajiyay ansixinta sharciyo muhiim u ah ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in sannadkan cusub ay xukuumaddu xoogga saarayso dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed iyo xoreynta dhulka ay haystaan cadawga argagaxisada Alshabaab, kuwaas oo u taagan dibindaabyada iyo dabar-goynta shacabka aan waxba galabsan.

Madaxweynaha ayaa xusay inuu ka shaqayn doono xallinta khilaafka ka dhexeeya labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in is-afgaranwaa kasta oo ka dhex dhasha shacabka Soomaaliyeed ay iyagu dhammaysan doonaan, oo aan loo baahnayn dhinac saddexaad oo soo farageliya arrimaha gudaha dalka.

 

IMG-20190115-WA0001

 

IMG-20190115-WA0005
IMG-20190115-WA0004
IMG-20190115-WA0014
IMG-20190115-WA0015
IMG-20190115-WA0011
IMG-20190115-WA0008
IMG-20190115-WA0009
IMG-20190115-WA0012
IMG-20190115-WA0007
IMG-20190115-WA0010
IMG-20190115-WA0003
IMG-20190115-WA0018

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.