Wadada Maka Al-Mukarama, tan Sodonka iyo wadooyin kale oo ka tirsan Magaalada
Muqdisho ayaa xiran, waxaana wadooyinka lagu arkayaa ciidamo isugu jira Nabad
Suggid, Boolis iyo Millateri.
Sababta ugu weyn ee maanta loo xiray wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa la
xiriirta dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta Madaxtinima doonka ah.
Shacabka qaarkii ayaa aad uga xumaaday in wadooyinka Magaalada kuwooda ugu
muhiimsan ay shacabka adeegsadaan la xiro.
Musharaxiinta Khudbadaha jeedin doona maanta oo Sabti ah ayaa waxaa kamid ah:
1-Cabdinaasir Cabdulle Maxamed
2-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
3-Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
4-Cabdulaahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)
5-Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi
6-Cali Xaaji Warsame
7-Cabdulkhaadir Cosoble Cali
Khudbadaha ayaa waxaa lasoo gunaanudayaa maalinta Axada ah oo ay jeedin doonaan
Musharaxiin dhan 8 kuwaa oo noqon doona qeybta ugu danbeysa.
https://youtu.be/paZuFMTwuLc
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0