Warbaahinta Waagacusub ayaa heshay markii ugu horeeysay heshay magacyadda,muuqaalka iyo qabiiladda ay u dhasheen dhalinyaradda Soomaaliyeed ee Maxkamad ku taalo dalka India ku xukuntay dilka toogashadda.
Dhalinyaradaan lagu eedeeyay iney yihiin burcad badeed oo waqti dheer ku silcay Xabsiyadda India ayaa qaarkood ku dhex dhintay Xabsiyadda halka kuwa kalena ay la liitaan xanuuno iskuugu jira TB iyo Malaariyo.
Dhalinyaradda xiran 61- ka mida waxeey u dhasheen beesha Saleebaan Habargidir, 31 ka mida Ceyr Habargidir, 17 ka mida Sacad Habargidir, 21 ka mida Mareexaan , 16 ka mida Dirta Xeraale, 36 ka mida Majeerteen, 13 Abgaal Cismaan gaar ahaan Waceeysle iyo Daud. 7 ka mida Xawaadle,.3 -ka Leelkase, 2-ka mida Awrtable.3 ka mida Carab Saalax. 6 ka mida Saruur Habargidir, 9 ka mida Duduble, 11 ka mida Sheekhaal. 2 ka mida Madhibaan. 1 ka mida Isaaq.
Shacabka Soomaaliyeed oo aad uga carooday markeey maqleen in dil toogasho lagu xukumay dhalinyaradaan ayaa ku hanjabay iney bartilmaameedsan doonaan Muwaadiniinta u dhashay India ee ka shaqeeysta Geeska Afrika .
Somalia waxaa ka shaqeeysta dhaqaatiir , Macalimiin, Farsamo yaqaano u dhashay India kuwaas oo laga cabsi qabo in Aargoosi loo afduubto ama loo dilo.
Sikastaba ha ahaatee, haddii Dowladda India toogato dhalinyaradda Soomaaliyeed waxaa ka dhalan doonto cawaaqib xumo sababta iney qarniga soo socda is ugaarsadaan labada shacab iyadoo dalka India ay wax ku bartaan ama Caafimaad u tagaan kumanaan kun oo Somalia.
Haloo gurmado ragaan indiya afduubka ku qabsatay
Xabiibo Cali liked this on Facebook.
Osman Wadni liked this on Facebook.
Aliburhan M Hassan liked this on Facebook.
Hage Abdisalaan Hassan Goole liked this on Facebook.