Home Afsomali Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo Maxkamad looga yeeray

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo Maxkamad looga yeeray

 

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa qabatay gal dacwadeed ka dhan ah shaqsiyaadka lagu eedeeyey inay ka dambeeyaan qorshaha lagu dhoofinayo geed quwaaxa, kuwaas oo Maxkamaddu amartay inay si deg deg ah kusoo gaaraan.

Shaqsiyaadkaan Maxkamadda looga yeeray ayaa isugu jira mas’uuliyiin horey xilal uga soo qabtay Puntland iyo kuwa hadda xil haya oo ku eedeysan dhoofinta dhirta iyo geedaha, waxaana dadka loo yeeray ay kala yihiin.

1: Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Kalluumeysi Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Salaad Jawle

2: Naciimo Jaamac Jaqaloon

3: Cali Naasir Abshir Gayre

4: Shaafici Cabdi Shire

Qoraal kasoo baxay Kaaliyaha Maxkamadda gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay in Xeer ilaalinta Maxkamadda gobolka Nugaal ay kiiska dacwadda loo heysto dadkaas keentay Maxkamadda 17/7022, iyaga oo lagu eedeeyay ka qeeyb qaashada dhoofinta dhirta gaar ahaan Geed quwaaxa.

Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa lagu wargeliyay in ay kasoo qeyb galaan dhageysiga kiiska loo heysto oo Xarunta Maxkamadda ka dhacaya 29/8/2022 kuna beegan maalin Isniin ah ayna ku yimaadaan dhageysiga qarmaqalka xilliga loo cayimay.

Horay ayaa waxaa Maxkamadda Gobolka Nugaal loo horkeenay dad Shacab ah oo loo heysto dhoofinta Geed Quwaaxa, waxaana dhawaan la filayaa in ay dib u bilaabato maxkamadeynta dadka loo eysto dhoofinta dhirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.